U bood dhigaalka

Aqoonyahanno Ka Hadlay Sida Muqdisho Ku Heli Karto Maqaamkeeda

Sheeko:Dalka

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo la hadlay Goobjoog ayaa siyaabo kalada duwan kaga hadlay sida magaalada Muqdisho ay ku yeelan karto maqaamkeeda siyaasadeed.

Cumar Cali oo kamid ah ururrada bulshada ee magaalada Muqdisho iyo Dr. Cali Hiraabe oo ku takhasusay cilmiga siyaasadda ayaa qaba in caasimadda Muqdisho ay leedahay xuquuqda ay leeyihiin gobollada kale ee dalka.

Cumar ayaa ugu horreyn sheegay in si loo helo maqaamka Muqdisho loo baaahan yahay dedaal badan.

“Maqaamka wuxuu u baahan yahay in dedaal loo galo, la sameeyo shuruucdii u gaarga ahaa, lalana tashto qabiillada ku nool gobolka Banaadir, waana in la isla yimaadaa meel dhexe oo la isku af garanayo, laakiin hadda waqtigeeda lama joogo maadaama sharcigii maqaamka caasimadda yaallo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, lana rabo in dibn u saxid lagu sameeyo” ayuu yiri Cumar Cali

Dr. Cali Axmed Hiraabe ayaa sheegay in dhibtu halka ay ka taagan tahay ay tahay in markii hore dowladda ay ahayd dowladda dimuqraadi ah balse midda hadda jirta ay tahay dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna sidaasi darteed sheegay in lama huraan ay tahay in laga shaqeeyo sidii ay Muqdisho ku heli lahayd xuquuqda ay heleen maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

“Dowladdan hadda jirta waa Federaal, waxay leedahay Muqdisho xuquuq lamid ah xuquuqyada kale ee ay leeyihiin maamul goboleedyada dalka ka jirra” ayuu yiri Hiraabe.

Maalmahan dambe, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa aad u hadal haya maqaamka magaalada Muqdisho.

Goobjoog News