U bood dhigaalka

Aqriso Sedex Qodob Oo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Ka Hadlay

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowled gobaledga Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  Madoobe ayaa madaxda dowladda federalka u jeediyay eedeen ku aadan in ay ku tunteen dastuurkii dalka u yaalay oo dowladda federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay kuwada heshiiyeen.

“Waxaan leenahay madaxda dowladda federalka dalkaan boogo ayuu leeyahay ma bogsanin iskuwad ayuu u baahan yahay, sharciga ladhowro ayuu ubaahan yahay, sharciga in la dhowro ayaa lagu ilaalin karaa laguma wada joogi karo anniga ayaa ari iyo qaacidadii shalay aan ku diiday Shabaab, ma aqbalayo in Villa Soomaaliya laga soo yeeriyo ha qaateen sharciga ay ku joogaan , haddii la diidana qof waliba hortiisa ayaa loo baneynayaa asaga ayaa marayo”

Sidoo kale Axmed madoobe ayaa sheegay inaan loo baahneyn in dib loogu laabto halkii laga yimid asaga oo ku baaqay in lawada fariisto oo wax lawada saxo.

“Wixii shalay laga yimid miyaa dib loogu noqonayaa sax maahan,annagu aan saxano,marka oo waxayaga aan kawada shaqeyno waxa aan wada leenahay, in dib loo noqdaa sax maahan, oo sax maahan  waa in loo hogaansama sharciga oo lawada tashado boogtu way bisishay caabuqbaa saaran Kismaayo ayaa kuligiin tijaabo idin kugu filan kulli dalka  waa isku mid waa in booga la daaweeyaa”

Dhanka kale Madaxweyne Madoobe ayaa carabka ku dhuftay in amnigu uu yahay waxaan gorgortan laga galin lakiin waxii ka soo hara laga gorgortamayo.assaga oo sheegay inuu doonayo inuu xilka ka tago Jubbaland oo Nabad ah dadkeeduna ay kuwada nool yihiin si nabad ah

” Wax kale oo dhan waa laga gorgortami karaa lakiin mas’alada ah amniga gorgortan magaleyso, amnigu waa waxa aan ka tagayo ee aan rabo ee ah dad wada nool oo wada dagan oo walalo ah oo sharciga la mariyo oo qaabkaas ah inaan uga tago ayaa ah waxa aan doonayo”

Ugu danbeyn Maxaweynaha dowled gobaledka Jubbland ayaa sheegay dhismihii Jubbalan caqabado badan ay kala kulmeen dowladda dhexe, assaga oo ugu baaqay in ay ka waantoowdo faragalinta ay ku heyso maamulka iyo isku dirka dadka reer Jubbaland.

” Shalay ayeey aheyd markaan dhiseynay Jubbaland dowladda dhexe caqabado badan ayaan kala kulanay, kuwii shalay dhaawacooda la daaweeyay ayaa laysku diray oo is dilay, inta aan aamusnay oo samirnay oo dulqaad muujinay ayaan ku soo gaarnay halka maanta aan joogno”

Goobjoog News