U bood dhigaalka

Aqriso wax qabadka dowladda Federaalka ee todobaadkii tagay

Sheeko:Dalka
Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow
Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka war bixiyey horumarka dowladda ee todobaadkii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin horumarka Boostada Dalka, isku Xirka Qurbojoogta iyo Dowladda, bilowga goobo lacagaha lagala baxo oo ay yeeshaan Bankiyada, Xoreyntii degmada Baraawa, Horumarka Dhaqangelinta Federaalka, booqashada Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibedda ee Guricel, booqashada Madaxweynaha uu ku tegey Cadale, iyo booqashada Ra’iisul Wasaaraha ku tagey Garowe.

Wasiirka oo ka hadlayey horumarka Boostada dalka ayaa yiri “Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta waxay muddooyinkii dambe aad ugu hawlaneyd dardargalinta iyo dib u soo celinta adeeggii boostada dalka. Wasaaraddu waxey ku guuleysatay in 9kii October ay waraaqaha dalka dibadiisa ka yimaada ay soo gaaraan dalka iyadoo wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintuna gaarsiiso gobolada dalka. Si hadaba adeega boostada u hirgalo una sahlanaato in waraaqaha ay gaaraan goobtii loogu talo galay ayey Wasaaradu sameysay cinwaan u gaar ah gobol walba, sida Awdal oo noqoneysa AW, Banadir (BN), Bari (BR), Sool (SL), iwm., sidoo kale degmo walbana waxey yeelaneysaa calaamad u gaar ah. Dadaalkan ayaa ah horumar dhanka adeega bulshada ah oo Dowladda Federaalku ay ka go’antahay in la soo celiyo nidaamkii Dowladeed ee dalka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Is-kuxirka Qurbojoogta iyo Dowladda ayaa yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan Jaaliyadda dalka Mareykanka ku booqday Washington DC, Virginia, Minnesota, iyo Columbus Ohio 28kii September ilaa iyo 8dii October 2014, halkaas oo aan kulamo la yeelanayey mas’uuliyiinta Dowladda Mareykanka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed. Runtii ma illoobi doono sida ay Soomaalida Qurbaha u daneynayaan arrimaha Soomaaliya iyo waddaninimada iyo jaceylka ay dalka u hayaan. Waxaan ka mahadcelinayaa sidii quruxda badneyd ee ay ii soo dhoweeyeen aniga iyo wafdigii ila socday, isla markaasna ay si qurux badan isagu soo baxeen. Sidoo kale kulammadii ay sida hagar la’aanta isagu soo baxeen oo ay iigu dhageysteena waaan uga mahadcelinayaa. Arrimaha aan kala hadlay waxaa ugu waaweynaa in Qurbojoogta aad looga sugayo inay dib u dhiska dalka ka qeybqaataan, sida loogu baahanyahay inay isku duubnaadaan oo ay danta guud uga wada shaqeeyaan oo dalkooda ay u noqdaan safiiro matali kara danaha Soomaaliya. Sidoo kale waxaan kala hadlay sidii ay door uga qaadan lahaayeen wacyigelinta iyo joojinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biiraya kooxaha argagaxisada ah. Waxaan u sheegay in Culumada, Madax dhaqameedka, ururada Soomaaliyeed, waalidiinta iyo guud ahaan Jaaliyaddaba laga sugayo inay u istaagaan sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen fursado wanaagsan ee dhanka waxbarashada, shaqada iyo isdhexgalka bulshada. Jaaliyadda Soomaaliyeed waa lafdhabarka koboca dhaqaalaha Dalka waana in isku xirka Dowladda Federaalka iyo Jaaliyada la xoojiyaa.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey bilowga goob lacagaha lagala baxo oo ay yeeshaan bankiyada Soomaaliya ayaa yiri “Dowladda Federaalku waxey aad u soo dhoweyneysaa mashruuca Bankiga Salaam Somali oo uu ku soo bandhigay dhaqangalka in Soomaaliya ay yeelato goobo lacag lagala bixi karo (Cash Machine ama ATM) oo ah markii ugu horreysey ee caasimada dalka laga hirgeliyo. Munaasabadii 8dii October oo Mas’uuliyiinta Bankiga Slaam Somali ay ku soo bandhigeen qorshahan ayaa waxey u sahleysaa Soomaalida Bankiyada isticmaala inay lacagahooda kala bixi karaan goobtaas oo ay ku jiraan Bankiyada caalamiga ah ee dibedaha ku yaala. Adeegan ATM ayaa caddeynaya horumarka ballaaran ee dalka ka socda, iyadoo Dowladda Federaalka ay ugu baaqeyso ganacsatada inay kaalin fiican ka qaataan horumarka adeegyada bulshada oo ay shacabku si aad ah ugu baahanyihiin.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Xoreyntii degmada Baraawa ayaa yiri “Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyagoo kaashanaya AMISOM ayaa 6dii October 2014 waxey ku guuleysteen in kooxihii nabad-diidka ahaa ee Al-Shabaab laga xorreeyo degmada Baraawa oo ah goob muhiim u aheyd maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay shacabka ku gumaadi jireen, isla markaana ay ka soo abaabuli jireen falalka argagaxa ah oo ay dalka ka fulinayeen 7dii sano ee la soo dhaafay iyo iyagoo Baraawa si sharci daro ah uga dhoofin jirey dhuxusha. 8dii October 2014. Dowladda Federaalka ayaa bilowday qorshahii Xasilinta ee degmadaas, iyadoo ay ciidamadu fulinayeen howlgallo lagu sugayo amniga. Dowladda Federaaka waxey u mahadcelineysaa shacabka deegaanka oo si hagar la’aan ah u soo dhoweeyey ciidamada una fududeeyey howlahooda muhiimka ah. Waxaa dib u soo laabtay ganacsigii iyo adeegyadii bulshada. Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in dadka deegaan la gargaaro oo ay helaan xoriyad ay howlmaalmeedkoodu ku gutaan iyadoo weliba laga qeybgalinayo tallooyinka iyo ka tashiga aaayaha deegaanka. Dadka deegaanka ayaa durbadiiba bilaabay daawashada telefishinada iyo dhageysiga idaacadaha oo kooxaha argagaxisada ay horey uga mamnuuceen, sidoo kale dadka deegaanka ayaa helay neecow xor ah oo sahleysa inay aayahooda ka tashadaan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Horumarka Dhaqangelinta Federaalka ayaa yiri “Magaalada Cadaado ayaa weli waxaa ka socda wadatashiyadii iyo abaabulkii shirweyne ay dadka deegaanka aayahooda uga tashanayaan. Sidoo kale deegaano ka tirsan Galgaduud ayey wadatashiyadan ka socdaan sida Dhuusamareeb oo ujeedadu tahay in la mideeyo aragtiyada kala duwan. Guddiga farsamo ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiinta maamullada Galmudug, Ahlu Sunna Waljameeca iyo Ximin iyo Xeeb, ayaa ku howlan qaban-qaabada shiweynaha maamulka loogu sameyn doono gobolladaasi, si loo dhaqangeliyo heshiiskii dadka deegaanka ee ahaa in Maamul loo dhan yahay laga hirgeliyo Gobolada Dhexe ee dalka kaas oo waafaqsan Dastuurka dalka ayna hoggaamineyso Dowladda Federaalka. Sidoo kale waxaa wadatashiyo iyo dib u heshiisiin ka socdaan Baydhabo, Kismayo iyo Garbaharey oo la filayo in dhammaantood ay horseedaan sidii dadka deegaanka ay aayahooda uga tashan lahaayeen.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey booqashada Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibedda ee Guricel ayaa yiri “Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba waday sidii Golaha wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka ay u gaari lahaayeen deegaanada dalka si bulshada deegaanadaas loogala soo tashto aayaha dalka. 9kii October 2014 ayuu Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Mudane Mahad Maxamed Salaad oo ay wehliyaan xubno katirsan Barlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Gudiga Maamul u sameynta Gobollada Dhexe ay gaareen Guricel ee Gobolka Galguduud iyagoo maalmahan ku sugnaa degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud. Wafdigan ayaa ujeedkiisu yahay in wadatashi lala yeesho dadka deegaanka, maamulka Ahlu Sunna Wal-Jameeca, Maamulka Gobolka iyo kan deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay uga wada qeybqaataan dadaalka dhaqangelinta nidaamka Federaalka ee Soomaaliya. Sidoo kale wafdigan waxey u kuurgalayeen xaalada deegaanka si ay warbixin ugu soo gudbiyaan Dowladda Federaalka oo suurtogelisa in dadka deegaanka ay helaan adeegyada bulshada. Wadatashiyadan ayaa waxey sahlayaan in maamulada la dhisayo ay noqdaan kuwo ka tarjumaya marxalada deegaannada iyo aayaha dadka deegaanka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey booqashada Madaxweynaha uu ku tagey Cadale ayaa yiri “Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud oo hoggaaminayey wafdi heer sare ah ayaa 10kii Oktober gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo kamid ah goobihii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Aragagxisada Al-shababab. Waxaa Madaxweynaha halkaas ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe iyo shacabka reer Cadale. Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii isusoo baxay ayaa mid mid u gacan qaaday isagoo ka xog wareystay xaaladda ay ku suganyihihin xiligian kadib heeryadii alshabaab. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay dadaal culus u galeyso sidii looga haqab tiri lahaa dhinacayada caafimaadka, waxbarahsada, biyaha, iyo dib u dhiska wadooyinka soo gala deegaanadan. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa booqday xeebta Cadale oo uu halkaas kula hadlay Kaluumeysatada.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey booqashadii Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegey Puntland ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa safar shaqo oo muhiim ah uu 10kii Oktober uga bilaabmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah u soo dhoweeyey Madaxweynaha Puntlad, xubno ka tirsan Golayaasha Maamulka, wax-garad, haween iyo shacab aad u tira badan. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loogu soo sameeyey Garoowe, waxana uu sheegay inay ka markhaanti kacayso sida ay dadka Puntland ugu heellan yihiin midnimada dalka iyo xoojinta dawladnimada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in Dowladda Federaalka ay muhiimad weyn siinayso gaaritaanka Maamulada Gobolada si loo adkeeyo xiriirka iyo wada-shaqaynta oo la doonayo inay ku dhisnaadaan is-ixtiraam, daacadnimo, daah-furnaan iyo u adeegidda danta guud ee qaranka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhoweeyey Puntland, waxana uu tilmaamay in Puntland ay dooneyso in Dawladda Dhexe ay wax ka qabato tabashooyinka ay qabaan.”