U bood dhigaalka

Aragti Kala Duwan Oo Laga Bixiyay Doorashada 2016 Iyo Lacagaha Lagu Bixiyo Xildhibaannimada

Sheeko:Dalka

Dooddan oo ahayd mid lagu falanqeynayo nidaamka doorasho ee dalka 2016-ka ayaa waxaa mas’uuliyiin ka qeyb galay barnaamijka ay ku kala duwanaayeen mugdiga ka muuqda habka loo marayo doorashada sanadkan laakiin waxaa ay ka sinnaayeen cabsida laga qabo musuqa iyo lacagta lagu bixiyo sidii qofka loo dooran lahaa.

Act for Somalia:

Agaasimaha Hay’ada Act for Somalia Mohamed Axmed Cantoobo oo horay fadhigeedu u ahaa  Bristol-UK ayaa barnaamijka u sharaxay warbixin ay soo saartay sabtidii isagoo  sheegay in doorashada 2016-ka ay tahay mid kala guur ah, loona baahan yahay in wufuudda iyo xitaa dadka la dooranayo ay ku yimaadaan si cadaalad ah.

Caantoobe waxaa uu sheegay in ay la sheekeysteen shacabka, madaxda dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada sida aqoonyahanka, dhalinyarada iyo haweenka iyagoo weydiiyay qaabka ugu haboon ee doorashada 2016-ka

Mohamed Cantoobo waxaa uu qabaa in odayaasha ay soo xulaan ilaa 30 qof oo xildhibaanka soo doorta iyagana waa odoyaashee ay dibadda ka istaagaan doorashada Xildhibaanada.

Act for Somalia  waxaa ay ku doodeysaa in loo baahan yahay in beel walba ay Haweenka siiso 30% ee aan baarlamaanka oo dhan laga siin 30% sida horay la isugu afgartay.

Axmed Cantoobo Waxaa uu sheegay in hay’addooda ay ku talineyso in la  yareeyo kaalinta dowlad goboleedka dalka iyo beesha caalamka.

Waxaa kaloo kooxdan ay ku taliyeen in Maxkamadda sare ay sameyso koox shaqadeedu tahay xalinta muranka ka dhasha doorashada.

Agaasimaha Hay’ada Act for Somalia Waxaa uu ugu dambeyntii soo jeediyay in Maxkamadda sare ay sameyso koox shaqadeedu tahay xalinta muranka ka dhasha doorashada.

Maxamed Axmed Nuur Tarsan:

Maxamed Axmed Tarsan oo ah Guddoomiyaha Cadaaladda Bulshada, horeyna u soo noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada ayaa barnaamijkan Doodda ee Goobjoog News u sheegay sida uu u arko doorashada 2016-ka.

Tarsan waxaa uu barnaamijka u sheegay in loo baahan yahay in la dardargeliyo qaabka loo mari lahaa doorashada 2016-ka isagoo soo jeediyay in loo baahan yahay in Qaramada Midoobay ay sameyso qaab la mid midkii ay ka sameysay dalalka Latin America oo ahaa in ciddii lagu helo musuq ama Lacag  doorasho lagu bixiyo in maxkamad caalami ah la soo taago.

Mudane Tarsan waxaa kaloo uu soo jeediyay in Xildhibaanka ay doortaan ilaa boqol qof, oo xulista Xildhibaanada aan lagu sii deyn odoyaasha arrintaas ayuu ku tilmaamay mid yareneysa Musuqa iyo Laaluush-ka.

Guddoomiyaha Cadaaladda Bulshada waxaa uu Xukuumadda ku eedeeyay in ay dooneyso in waqtiga disho oo aanay ogoleyn isbedel in uu dhaco oo doorasho dalka ka dhacdo August 2016-ka, isagoo intaa raaciyay in dowladda ay ku fashilantay dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Amniga.

Mr. Tarsan waxaa uu qabaa in axsaabta laga gaarsiin kara ka hor doorashada laakiin aanay rabin arrinkaas nidaamka hadda jira ee dowladda Xasan Sheekh.

Faadumo Qaasim Dhayib(Faadumo Deqo):

Faadumo Qaasim Dhayib(Faadumo Deqo) oo horay u sheegtay in ay u tartameyso Madaxtinimada Soomaaliya 2016-ka ayaa barnaamijka doodda  ee Goobjoog News u sheegtay in ay ka hartay tartanka doorashada 2016-ka kadib markii kooxaha Soomaaliya ay ku heshiiyeen waxa loo yaqaano 4.5.

Faadumo Dayib waxaa ay ku talisay in loo baahan yahay in la yareeyo awoodda madaxweynaha oo uu ku ekaado protocol halka awoodda dalka gacanta loo gelinayo Ra’iisul wasaaraha, Faadumo waxaa ay qabtaa in Madaxweynaha ay shacabka soo doortaan halka Ra’iisul Wasaaraha ay keenayaan Baarlamaanka, arrintaas waxaa ay ku sheegtay mid yareyneysa isqabqabsiga madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Dayib  waxaa ay sheegtay in loo baahan yahay in doorashada lagu daro qurbo joogta iyadoo la yaabtay sababta mar walba Qurbojoogta looga reebo doorashooyinka dalka ka dhaco oo ay ugu horeyso doorashada 2016-ka.

Faadumo waxaa ay Barnaamijka u sheeghtay in ay ka hartay doorashada 2016-ka kadib markii lagu noqday barnaamijka ama doorashada 4.5 laakiin waxaa ay intaa ku dartay in qaab kale ay dalka ugu shaqeyn doonto.

Faadumo Dayib  waxaa ay  intaa raacisay in ay doorashada uga hartay sababo ay ka mid tahay Laaluush-ka iyo Odoyaasha wax soo xulayo, Faadumo waxaa ay sidoo kale sheegtay in intii ay doorasho Lacag ku bixin lahayd ay dalka wax ugu qabaneyso.

Xildhibaanka Cilmi Maxamud Nuur:

Xildhibaanka Cilmi Maxamud Nuur waxaa uu qiray in uu jiro howlo badan oo aanay qaban Xukuumadda iyo  Baarlamaanka uu ka tirsan yahay.

Xukuumadda waxaa uu ku eedeeyay in khilaafaadkooda badan uu hor istaagay in howlo badan la qabto halka Baarlamaanka uu ku dhaleeceeyay Mooshinada iyo isjiidiid badan iyo xitaa in aanay meel marin sharciyo badan oo la doonayey in la meel mariyo.

Xildhibaanka oo horay uga qeyb galay barnaamijyo badan oo baarlamaanka uu sameeyay waxaa uu difaacay sameynta sharciga axsaabta iyo doorashooyinka laakiin waxaa uu qiray in Baarlamaanka uu ka gaabiyay arrinta garsoorka iyo maxkamadda dastuuriga.

Xildhibaan Cilmi oo ka tirsan guddiga dhaqaalaha ee Baarlamaanka waxaa uu sheegay in doorashada 2016-ka qofka lagu doorto kartidiisa iyo aqoontiisa, oo loo fahmo in ay tahay mas’uuliyad lagu xisaabtamo oo aanay arrinta noqon seylad wax lagu kala iibsanayo.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Goobjoog News