U bood dhigaalka

Arday Reer Cadaado Ah Oo Ku Guuleysatey Sameynta Leyrka Ku Shaqeeya Cadceedda

Sheeko:Dalka

Magaalada Cadaado waxaa dhowaan laga hirgaliyey Leyrarka ku shaqeeya cadceedda, kuwaasi oo ay sameeyeen arday ku nool halkaasi.

Leyrarkan ayaa waxaa sameeyay ardayda kala ah Farxaan Xuseen Aadan iyo Axmed Cumar Sahal waxa ayna Goobjoog News u sharaxayaan waxa uu ka sameysan yahay iyo qaabkiisaba.

“Markii la sameynayo barnaamijka Soolarka waxa uu u baahan yahay fund, ardayda iyo macalimiinta iyaga oo is kaashanaya waxa ay sanduuq u sameeyeen barnaamijkan ugu dambeyna waa aan ku guuleysannay”.

“ Waxa uu ka kooban yahay qayb habeenkii is-shidda oo aan allifnay iyo batariyaal aan ku xirnay”.

Si loogu dhiirrigaliyo ardaydan hal-abuurkooda ayaa waxaa arintani ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana meesha leyrka laga suray tagay Maayarka Cadaado mudane Cabdullahi Cabdiraxman Tootoole waxa uuna yiri:

“Barnaamijkani waxa uu tusinayaa ummadda ku nool deegaankaan isu-tashi, waxa kaloo uu tusinayaa in waxa laga raadinayo meelaha dhaadheer in dadka gacmahooda iyo maskaxdooda ay ku jiraan”.

Soomaaliya waxaa ku yar hal-abuurnimada caynkan oo kale ah waxa uuna u baahan yahay in la dhiirrigaliyo.

Goobjoog News