U bood dhigaalka

Ardayda wax ka barata Iskuulada Gaal-gacyo oo la fasaxay si ay uga qeyb galaan aaska Marxuum Aadan Cali Nuur (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Iskuulada magaalada Gaalkacyo iyo gebi ahaanba deegaanada Galmudug ayaa saaka la fasaxay si ay ardaydu uga qeyb gasho aas loo sameeyo Marxuum Aadan Cali Nuur oo ka mid ahaa Macalimiinta iyo Ganacsatada ugu caansan deegaanada Gal-mudug.

Dhamaan ardayda ayaa la fasaxay, waxaana ay ka qeyb gali doonaan aaska marxuumka oo saacadaha soo aadan dhici doona.

Koox hubaysan ayaa shalay Marxuumka ku dilay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana dilkiisa ka dib la sheegay in ay baxsadeen ragii falkaasi ka dambeeyay.

Wasiirka waxbarashada Galmudug C/qaadir Maxamuud Dhalo dhalo ayaa sheegay in dhammaan xarumaha waxbarasho ee Galmudug ay fasaxan yihiin, si loo muujiyo sida looga xun yahay dilka marxuum Aadan Cali isna loo duceeyo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News