U bood dhigaalka

Ardayda Dhigata Jaamacadaha Ku Yaalla Muqdisho Oo Shacabka Soomaaliyeed Ku Baraarujiyay Gurmad Iyo Gargaar

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa ku baraarujiyay barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo loogu gurmanayo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen.

Qaar ka mid ah Ardaydaan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in maanta ay tahay maalintii shacabka isku gurman lahaa loona soo badbaadin lahaa dadkaasi.

Waxay tilmaameen in shacabka Soomaaliyeed looga bartay isku gurmashada xilliyada ay dhibaatada ay jirto, maantana ay tahay maalintii aan gadaal la marsan lahayn wax walba oo la awoodo.

“Dadka hadii ay isku gurmadaan Alle ayaa na jeclaanayo, waa in aan caawinno dadka dhibban, waxaa imaanaya markaasi naxariis, waxaan ka maarmi donnaa gacan shisheeye” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah ardaydaan.

Goobjoog News ayaa 23-kii April waxa ay bilawday Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo loogu tala galay in shacabka Soomaaliyeed lagu baraarujiyo si ay ugu gurmadaan Soomaalida kale ee ku dhibban dalka Yemen.

Goobjoog News