U bood dhigaalka

Ardayda Ka Socotay Iskuulka Indhoolayaasha Al nuur Oo Maanta Ka Qeyb Gashay Imtixaanka Qaranka

Sheeko:Dalka

Ka dib burburkii dowladdii dhexe  ardayda araga La’ waxa ayna u fariisteen imtixaanka qaran ayagoona qeyb ka noqday 31.500  oo arday oo maanta u fariistay Imtixaanka ay qaadayso wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, ayaana sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin iney qeyb ka noqdaan Imtixaanka, waxa ayna  sheegeen iney ka soo gudbeen caqabado adagay intii ay soo wadeen waxbarashada heerka Iskuulka.

Gudoomiyaha Iskuulka Alnuur ee ardayda aragg La’ ayna wax ku bartaan C/fitaax Maxamed Daahir, oo Goobjoog News la hadlay  ayaa sheegay in ay ku farxsan yihiin ardayda Imtixaanka galayso assagoo u rajeeyay inay guuleystaan.

“Ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisatay ee aragga La’ waa 28 arday waxa ayna nooga dhigan tahay waa soo baryay ,maxaa yeelay waa ay adkeyd in ruux araga aan laheyn inuu duruuftaan  iskuul ka soo bilaabibo Primary maantana uu ka qalin jabinaayo Secondry”

Dhanka kale gudoomiyaha Hormuud Telecom Foundation oo gacanta ku heysa Iskuulka Alnuur  C/llaahi Nuur Cusmaan, ayaa sheegay in ardayda ay kaga soo gudbeen  marxalado kala duwan dugsiyadii hoose iyo dhexe ee Alnuur,  ka dib shirkadu ay kula dartay Iskuulada magaalada oo maantana ay ka qalin jabinayaan dugsigii sare waxa uuna sheegay in sanadkaan wixii ka danbeeyo arday loo dhisi doono dugsi  sare ee Al nuur.

“ waxaan maanta aad iyo aad ugu faraxsan nahay in halkaan ay soo gaaraan, waa ardaydii dugsiga hoose iyo dhexe ee Al nuur oo aan ku kala darnay Iskuullada magaalada maantana waxa ay u fadhiyaan imtixaankii, waxaad ogtihiin Iskuulka Alnuur inuu yahay Iskuulka ay wax ku bartaan ardayda aragga aan laheyn ,Imtixaanka ardayda ay galayaan waa su,aalo Oral ah oo afka laga weydiiyo arday afka laga weydiinayo su,aashana waxaa ka qorayo macalin la fadhiyo”

Samiiro Jimcaale Aadan waa gabar  aragga La’ waxa ay ka mid aheyd ardaydii maanta u fariistaay Imtixaanka waxa ayna sheegtay in aad ugu farxsan taghay in maanta ay heerkaan soo gaarto ardayda Soomaaliyeedna ay la gasho Imtixaanka guud,

“ Walaahi aad iyo aad ayan ugu faraxsan nahay inaan ka qeyb galo Imtixaanka Qaranka ay qaadeyso dowladda, noqdo dufcaddii ugu horeysay ee gasho Imtixaanka, dadaal dheer iyo juhdi  badan aan soo galnay, ruuntii Imtixaanka waxaan ku galeynaa su’aalo oo Oral ah macalinka kula fadhiyo ayaa ku weydiinayo jawaabta aad bixiso ayuu kuu qoraa macalina sax ama qalad wixii ay kuu noqoto sidaas ayaan ku galaynaa Imtixaanka”

Ugu danbeyn Raiisalwasaare ku xigeenka dalka Mahdi maxamed Guuleed Qadar ayaa sheegay in maanta Imtixaanku si toos ah uu furan yahay ardaydana uu rajaynayo iney guul ka gaaraan Imtixaanka waxa uu sheegay inuu soconayo ilaa Maalinta Arbacada

“ Imtixaankii maanta wuu inoo furan yahay assaga oo ardayda lagu  hor furay aan horay loo arag, taas waxa ay natusaysaa in dowladnimadii ay taabo gashay  waxaa maanta Imtixaanka u fariistay 31,500 arday  oo ah faslka 12 aad ee dugsiyada sare ee dalka  waxaan u rajaynayaa dhamaan ardayda inay dalkooda aaminaan”

Goobjoog News