U bood dhigaalka

Ardayda Wax Ka Barata Jaamacadaha Hargeysa Oo Dalbaday Inay Helaan Maktabado Wax Laga Akhristo

Sheeko:Dalka

Qaar ka tirsan ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa maamulkaasi iyo cid walbo ka codsadeen in laga dhabeeyo qorshe dad shacab ah horay u keeneen kaasi oo ahaa in magaalada Hargeysa laga dhiso maktabad wax akhris oo daboosha baahida ardaydu ay qabaan goob wax akhris iyo cilmi baariseed oo aanba ka jirin magaaladaasi.

Ardaydan ayaa sheegay in baahi xooggan ay u qabaan sidii ay u heli lahaayeen maktabaddaasi.

Mid ka mid ah ardaydan oo la hadlay wariyaheena Hargeysa ee Cumar Serbia ayaa ugu baaqay xukuumadda Siilaanyo iyo qurbo joogta Somaliland in ay ay hirgeliyaan Maktabado casri ah.

“Baaqaygu kaliya kuma wajahna qolada qubo joogta ah, waxaan baaqan mid ka cod dheer u diraynaa bulshada gudaha joogta oo aan u sheegayno inay uga baahi badanyihiin dadkaan kale ee aynu u baaqeyno, waxaan ku baaqeynaa in Maktabadda loogu deeqo buugaag iyo in la helo xarumo ardaydu timaado oo wax ka akhrisato”

Waxaa baaba’ay maktabaddii kaliya ee Hargeysa ee ardadu wax ka akhrisan jireen, mana jirto dadaallo socda oo dib loogu soo nooleynayo maktabadaasi.

Goobjoog News