U bood dhigaalka

Ardey Soomaaliyeed oo Ku Go’doonsan Gobolka Tigray

Sheeko:Amniga

Dagaaladda socday gobolka Tigreyga ee dalka Itoobiya ayaa saameeyey ardey badan oo Puntland iyo Soomaali ah oo dalkaasi wax ka barata.

Ardaydaas ayaa waxaa  ay isugu jiraan Itoobiyaan Soomaali iyo kuwo ka yimid wadamo kale oo Africa ah oo dalkaas waxbarasho u soo aaday, kuwaas oo ay halkaasi dhibaato kula dhacday.

Culeyska ayaa waxaa uu ku sii badan yahay ardayda aan wadankaas u dhalan, kuwaas oo aan labo todobaad aan wax xiriir ah lasoo sameyn waalidiintooda sida uu sharaxaayo arday wax kusoo ka bartay dalkaas oo la hadlay VOA-da.

“Sesex sano ka hor mar aan tagay waa ay badnaayeen, arday badan ayaa joogta waxaa ay dhigtaan qeybaha kala duwan ee jaamacadda oo Puntland leh oo Somaliland, waxa dhacaayo lama oga, cid war ka heli karto majirto”.

Dhibaatada ayaa sidoo kale waxaa ay saameysay hey’adaha caalamiga ah ee gargaarka ka shaqeeyo, kuwaas oo aan awood u helin in ay ogaadaan xaqiiqada dhabtaa, marka laga reebo waxaa ay soo gudbiso dowladda federaalka ah.

Goobjoog News