U bood dhigaalka

Ardeyda Jaamacadaha Muqdisho Oo Si Bilaash Ah Wax Ku Bara Caruurta ku Nool Xeryaha Barakacyaasha

Sheeko:War

Ururka dhallinyarada Soomaaliyeed  ee “Aaayo-doon”, waxaa uu ka mid yahay ururada ka shaqeeya arrimaha waxbarashada, iyaga oo waqtigooda qeyb ka mid ah ugu adeegga caruurta danyarta ah ee ku nool xeryahay barakacyaasha.

Ururkan ayaa  goobo badan  wax ku bara caruurta danyarta ah kuwaas oo ku nool xeryaha gobolka Banaadir, haddaba sida uu u shaqeeyo ururka Aayo-doon waxaa faafaahin ka siiyey Goobjoog News Cabdulqaadir Salaad cabdulle oo ka tirsan ururka.

“Ujeedka iyo muhiimadda aan ka leenahay ururka waa in aan dhallinyarada Soomaaliyeed aan waxbarno, waxaan dooneynaa in aan dib u soo celinno waxbarashadii Soomaaliyeed”.

Waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool xerada badbaado ayaa iyagu fursad u helay in waxbarasho ay u helaan ubadkooda,iyaga oo dhanka kale ka faa’ideysta waxbarashada bilaashka ah.

Abshir Cabdulqaadir oo ah ardeyda wax lagu baro xerada Badbaado oo la hadlay Goobjoog News waxa uu yiri “Ani iyo ilmaheyga waxbarasho ayaan ku jirnaa, waxaan u mahad-celinayaa dhallinyarada is xilqaantay”.

Waalidiinta iyaga iyo ubadkooda ka faa’ideysta waxbarashada bilaashka ah ee uu bixiyo ururkan waxaa ka mid ah Mako Sheikh isqaax oo sheegtay in caruurteeda xerada badbaado loogu bilaabay iskuul.

“Ilmahaan waa kuwii ku jiray xerada Badbaado oo ku dhashay, iskuulna waxaa loogu bilaabay xeradan  Babdaado”.

Dhallinyada soo koraya ayaa soo kordhiyey hal-abuurro bulshada wax weyn u taraya, waxaana ka mid ah fikradda ay la yimaadeen dhallinyaradan ku mideysan ururka Aayo-doon.

Goobjoog News