U bood dhigaalka

Ardeyda Soomaaliyeed ee Sudan Oo Sheegay In Safaaradda Laaluush Ka Qaaday

Sheeko:War

Safaaradda Soomaaliya ee Sudan welin waxaa ka taagan dhibaato lagu hayo ardayda Soomaaliyeed ee Sudan wax ka barata, iyadoo hada laga qaado lacago baad ah ama Laaluush.

Safaaradda maxay aradaydu uga baahan yihiin?

Sida lagu yaqaano shaqada safaarad waa in mawaadinka Safaaraddaas ay matasho laga ilaaliyo wax kasta oo dhibaato ah, hase yeeshee Safaaradda Soomaalidu ku leedahay Sudan howshaas maqabayee eeardayda ayaa lagu cadaadiyaa weliba xilka iyaga lagu matalo ayaa lagu handadaa sida ay telephone ka iigu sheegeen ardayda qaar kamida oo Baasabooraddii lagu heysto ku dhowaad Sanad.

Aradyga Soomaaliga ah ee Baasaboorka Soomaaliya dalbada waxaa laga qaadaa lacag dhan $165 Dollar safaaradaha kale ardayda wadamada kale lacagtan oo kale lagama qaado oo ugu qaalisan dalabka Baasaoorka Soomaaliya, laaluush qasab ah ayaa lag qaada ardayda waana $70 Dollar tasoo wadarta ka dhigaysa $ 235 dollar “Qali sanaa” Baasaboorku kaaga sii darane lamaba helaayo.

Warkaan qeybtiisu tahay laaluush bixin ayaa ayaa ka jaawaabtay waxaana nala hadlay Cabdalla oo ah howlwadeen katirsan Safaaradda “kuwa aan Baasaboorka la siin ee uu ka maqan yahay waxa ay mafkast aflagaadeeyaan Safaaradda iyo shaqadeeda kuwo arday ah ayaa la dagaalanaa oo xitaa tahriibka ka ganacsada kuwana shahaado aan sax aheyn ayey sameystaan waanku dhibtoonay mamulidda arday”

Ardayda ila hadashay badankood waxa ay sheegeen in cabashadooda aa waxaba laga qaban tan iyo markii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu Suudaan tagay.

Goor sii horeysay warbaahinta waxaa loo sheegay war ahaa in loo yeeray dhammaan shaqaalaha Safaaradda si xal loogu helo cabashada ardayda, xal lama gaarin weli.

Markii howl wadeenadda Safaaradda loo yeeray kadib waxaa la sheegay in shaqaalaha isbadal lgu sameeyey hase ahaatee Ardaydu waxa ay leeyihiin weli qaskii aa ka dacwoonay ayaa taagan.

Shaqaalihii la sheegay in la badalay miyaa shaqeeya Mise?

79 arday oo suudaan jaamacado kala duwan ka dhigta ayaa Goobjoog News u sheegay in weli howl wadeenaddii ayka dacwoodeen aan isbadal muuqda lagu sameyn.

Waxaa dadkii laga cabanayey ee weli shaqeey kujira laba howl wadeen oo magacyadooda lagu soo koobay Cabdullaahi iyo Seynab.

Si dhammaan dhibaatooyinka safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ardaydu ayka tirsanayaan looga gudbo waxaa lagama maarman ah in safaaraddu qabato howshii loo igmaday, ardayduna ay muujiyaan ixtiraam ku aadan dulqaad ay u yeeshaan sugidda Baasaboorka maalmo ama bilo hadba inta uu ka maqnaado.

Cali Aadan Muumin