U bood dhigaalka

Arinta Suuriya Oo Hareysay Kulanka Obama iyo Putin

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisa uu taageerayo Bashaar Al-Asad lakin waxaa uu meesha ka saaray in dagaal dhulka ah ay la gali doonaan Kooxda Daacish.

Labada Madaxweyne ee Obama iyo Puntin ayaa kulan 90 daqiiqo socday ku yeeshay meel ka baxsan shirka golaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa.

Labada Madaxweyne waxaa ay ku heshiiyeen in xal siyaasadeed lagu dhameeyo colaadda dalka Suuriya basle waxa ay ku guuldareysteen in ay ku heshiiyaan waxa uu noqonaya mustaqbalka madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Mas’uul ku hadlay Mareykanka ayaa sheegay in labada nin ay sidoo kale ku heshiiyeen kulan dhex mara Ciidanka labada dal si aanay iskugu dhicin marka ay joogaan dalka Suuriya.

Putin ayaa doonaya in Asad uu qeyb ka noqdo mustaqbalka dalkaas halka Obama uu ku adkeysanayo in uu Asad xilka iska wareejiyo.