U bood dhigaalka

Arrin Baarlamaanka 9-aad Ay Ku Baraarugeen Oo Baarlamaanka 10-aad Ka Gaabiyeen

Sheeko:Amniga

Baarlamaanka 9-aad ayaa sharciga Lr. 20 ee 2016-kii waxaa uu ku meelmariyey labo arrin oo kala ahaa dib u eegista qabashada aftida dastuuriga ah iyo xilheynta baarlamaanka federaalka ah.

Sharcigaas oo uu ansixiyey waxaa mdaxaweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh waxaa ku qornaa sidan:

Qodobka 1-aad Dib-u-dhigista Qabashada Aftida Dastuurka Qaran

  1. Qodobkan waxaa lagu buriyay Qodobka 136 ee Dastuurka Federaalka Faqraddiisa (2) kuna saabsan qabashada Afti Qaran si kamadambays ah loogu ansixinayo Dastuurka Federaalka.
  2. Waxaana qabashada Aftidan Qarameed dib loogu dhigay lana abaabuli doona inta lagu jiro muddada xilhaynta Baarlamaanka 10-aad ee 2020.

Qodobka 2-aad Xilhaynta Baarlamaanka Federaalka Si aysan u dhicin firaaq ku yimaada jiritaanka hay’adaha Dawladda, sida ku cad Qodobka 60 (1) muddada xilhaynta Baarlamaanka Federaalka 9aad waa (4) sano, waxayse xilhayntiisa rasmiga ah ku eg tahay maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada Baarlamaanka 10aad ee Cusub.

Haddaba, Baarlamaanka 10-aad ilaa hadda kama hadlin qodobkkii ahaa dib u eegista qabashada aftida dastuuriga ah halka heshiiskii doorashada ee dhowaan baarlamaanka ansixiyey ay ku dareen qodob u dhignaa sidan:

Qodobka 3-aad: Xilheynta Hey’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda

 Si aysan u dhicin firaaq ku yimaada sharciga jiritaanka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka ah. Baarlamaanka 10aad oo awoodihiisa dasturiga ah u dhameystiran yahay ayaa xilkiisa sii heynaya ilaa maalinta la dhaariyo xildhibaannada lasoo doortay ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya si waafaqsan qodobka 60-aad ee dastuurka federaalka ah iyo wax ka bedelka  lagu sameeyey sharciga Lr. 20 ee 27.06.2016.

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qoraal uu soo saaray waxaa uu baaq ugu diray madaxweyne Xasan Sheekh iyo labada gole ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isaga oo Farmaajo si gaar ah ugu soo jeediyey inuu qaato go’aan degdeg ah oo , iskuna waco baarlamaanka labadiisa aqal si looga hadlo di u dhisgista ansixinta iyo afti u qaadista dastuurka.

Goobjoog News