U bood dhigaalka

Arrin Ugub Ah: Gabar Meydkeeda Laga Helay Gurigooda

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdo naxdin leh oo maanta ka dhacday xaafad ka tirsan degamada dharkiinley, kadib markii gabar yar oo muddo la baadi goobayay laga helay meydkeeda digsi dhexdiisa.

 

Gabadhan yar oo magacaabo Nafisa Cumar C/llaahi oo la baafinayey labadi maalin ee la soo dhaafay ,kadib markii  la waayey Axadii 30-ka May 2021, balse maanta waxaa la yaab noqotay in laga dhex helay Digsi weyn oo Gurigooda yaallay, kaasoo lagu riday, laguna daboolay, waxayna arrintan argagax ku abuurtay  qoyska gabadha iyo dadka deriska la ahaa.

Meydka gabadha oo hadda la geeyay laanta dambi baarista ee CID ayaa la sheegay in la baarayo qaabkii ay u dhimatay gabadha iyo cidii ka dambeysay dilkeeda .

 

Guriga ay ku nooleyd ayaa la sheegay inuu ahaa guri ay dad badan la deganayeen, isla markaana dhammaan dadkii deganaa lagu xiray xabsiga saldhiga Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Ilaa 7 qof oo ka mida Qoyskeeda iyo dadkii guriga ku sugnaa ayaa loo xiray kiiskan, Falkan ayaa ka dhacay waaxda Kaawo Godey ee degmada Dharkenlay.

Goobjoog News