U bood dhigaalka

Arrinta Qatar: Dowlado Carbeed Oo Hor leh  Oo Xiriirka U Jaray  Qatar

Sheeko:Dalka

Dowladda Mauritania ayaa u dambeysay dalalka xiriirka Dibloomaasiyadeed u jartay dowladda Qatar xilli Kuwait ay dhex-dhexaadin ka bilowday Riyadh, Mareykankana uu midno Khaliijka ah sheegayo.

War-murtiyeed ka soo baxay Jamhuuriyadda Mauritania ayaa waxaa lagu sheegay in Mauritania ay ilaalineyso dhammaan danaha dowladaha Carabta,  iyadoo mabda’eeda uu ku dhisanyahay ixtiraamka qarannimada wadamada kale iyo inaysan faro galin arimaha dariskeeda.

Mauritana ayaa waxay sheegtay in ay ku biirtay dowladaha xiriirka u jaray Qatar ayna garab taagantahay walaalaheeda carabeed iyadoo sheegtay inay sax tahay in laga hortago cid waliba oo amniga iyo deganaashaha carbeed qalqal galineysa.

Dalka Jordan waxaa uu sidoo kale hoos u dhigay matalaaddii diblomaasiyadeed ee dalkiisa uu la wadaagay Qatar, waxaa ay sidoo kale ruqsadda shaqo kala laabteen Al-Jazeera iyo shaqaale ka tirsan Qatar.

Dowladda Qatar ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka tilaabsatay sharciyadii iyo mabaadi’dii loo aas-aasay ururka carabeed, iyadoo siyaasaddeeda bariga dhexe ku xirtay inay taageerto kooxaha argigixisada ah iyo inay xayisiiso afkaarta xagjirnimada sidoo kale dowladda Qatar ayaa waxay ka shaqeysay in wadamo badan oo carab ah ay ka dhex kiciso Fowdo taasi oo keentay inay ka dhalato xaalado bani’aadanimo oo xun.

Dalalka kale oo carbeed ayaa cadaadis saaray Doxa, dowladda Liibiya ayaa sidoo kale xiriirka u jartay Qatar, halka Morocco ay xayirtahay safarada dhanka cirka ah oo iskaga kala gooshi jiray Qatar iyo wadamada xiriirka u jaray.

Madaxweynaha Mareykanka D. Trump ayaa khadka Talefanka kula hadlay Boqorka Sacuudiga Salmaan isaga oo ka codsaday in xaaladda la dehiyo, midnimada gacankana la ilaaliyo, falkan waxaa ka horeeyay in uu bartiisa Twetter-ka ah ku sheegay in Carabta maqleen hadalkiisa uu Riyadh ka jeediyay ee ahaa in la cuuriyaamiyo dadka maalgeliya argigixisada, dalalkaasi ay farta ku fiiqeen Qatar.

Goobjoog News