U bood dhigaalka

Asad: Trump Waxaan Iska Kaashan Doonaa La Dagaalanka Argigixisada

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad ayaa sheegay in madaxweynaha la doortay ee Mareyakanka Dolland Trump ay iska kaashan doonaan arrimaha la dagaalanka argigixisada.

“Ma ogin waxa uu sameyn doono, ma ogin in uu la dagaalayo argigixisada iyo in kale, Laakin waxaa hubaal ah in aan iska kaashan doonno la dagaalanka argigixisada sida aan isaga kaashano Iran, Ruush-ka iyo wadamo kale”, sidaa waxaa yiri Asad.

Trump waxaa uu horay u sheegay in ay waali tahay in hal mar lala dagaalo ciidamada Asad iyo maleeshiyaadka Daacish, isagoo intaa raaciyay in Mareykanka ay taageeraan Mucaarad aan la aqoon cid ay yihiin.

Lama oga in Trump oo xulafo la noqon doono Asad iyo in kale, laakin waxaa muuqata in isbadal uu ku dhici doono siyaasada Mareykanka ee Suuriya markii ugu horeysay kadib kacdoonkii 2011-kii.