U bood dhigaalka

Ashraf Ghani: Daacishta Ku Sugan Gudaha Dalkeenna kama Badna Labo Kun

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay maanta oo Talaado ah in tirada hubeysan ee kooxda Daacish ee ku sugan dalkiisa aysan ka badneyn ku dhawaad labo kun.

Ashraf Ghani  ayaa hadalkan  waxaa uu ka sheegay shirka caalamiga ah ee ku saabsan Afghanistan ee lagu qabtay dalka Uzbekistan.

Ghani ayaa yiri “waxaan qiimeyn kala duwan ku sameynay gobollada dalka ay ku suganyihiin Daacish, waxaan jeclahay in aan idiin sheego tirada guud ee Daacish ee ku sugan Afghanistan in ay ka yaryihiin labo kun, ciidamadeenna waa ay awoodaan in ay ka hortagaan”.

Waxaa uu intaas ku daray “Waxaan aad ugu baahannahay in aan mideyno dadaalladeenna caalamiga ah si aan uga hortaggno amni darrida”.

Afghanistan ayaa waxaa ay ka cabaneysaa dhanka amniga taasi oo sababtay in ay ku faafaan ururada hubeysan sida Taaliban iyo Daacish.

Goobjoog News