U bood dhigaalka

Askar Itoobiyaan Ah Oo Lagu Dilay Bakool

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno degmada Waajid ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidamada Itoobiya lagu dilay duleedka degmadaasi, waxaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan.

Askarta la dilay ayaa sida ay sheegteen Al shabaab waxa ay ku dileen duleedka magaalada waajid wax ayna tira ahaan askartaas ku sheegeen ilaa iyo 2 askari.

Qoraal lagu daabacay boga taageera Al shabaab ayaa lagu sheegay in askarta la dilay ay baxsad ahaayeen iyaga oo doonayay in ay gaaraan dalkooda balse ay gacanta ku dhigeen dhaqdhaqaaqa Al shabaab sidaasina lagu toogtay.

Sidoo kale Al shabaab waxa ay sheegteen in askartaasi ay ka furteen hub kala duwan.

Wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay saraakiisha Itoobiya iyo kuwa dowladda ee ku sugan gobalka Bakool oo ay uga jawaabayaan sheegashada Al shabaab ee ah in ay gobalkaasi ku dileen askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta.

Gobalka Bakool ayaa waxa uu ka mid yahay goobaha ay ku badanyihiin ciidanka Itoobiya, waana mid ka mid ah gobalada ay go’doomiyeen dagaalyahanada Al shabaab.

Goobjoog News