U bood dhigaalka

Askar Itoobiyaan Ah oo Lagu Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Gobalka Baay

Sheeko:Amniga

War lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Al shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in askar ka tirsan ciidanka Itoobiya lagu dilay qaraxyo dhowr ahaa oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Baay ee Koonfurta Soomaaliya.

Qaraxyadan oo gaarayay 6 islamarkaana ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale ee gobalka Baay ayey Al shabaab waxa ay sheegeen inay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya ee gobalkaasi ku sugan waxaana weerarkan qaraxyada ahaa uu dhacay gabal dhicii shalay.

Al shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen 3 askari oo Itoobiyaan ah halka ay dhaawaceen 11 kale sida ay sheegteen waxa ayna intaas hadalkooda ku dareen in ciidanka ay qarxiyeen ay isbuucii la soo dhaafay sahay u gudbiyeen degmada Qanasaxdheere ee gobalkaasi.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Itoobiya ee ku sugan gobalkaasi  oo ay uga hadlayaan in askar iyaga ka tirsan lagu dilay weerar dagaalamyaal ka tirsan Al shabaab ay fuliyeen.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay wajahaan weerraro kala duwan oo uga yimaada Dhaqdhaqaaqa Al shabaab ee ku xooggan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Goobjoog News