U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Maamulka Afgooye oo Xalay Halkaas lagu dilay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

???????????????????????????????Labo Askari oo ka tirsan maamulka dowladda hoose ee Afgooye ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu diley xaafado ka mid ah degmadaasi, waxayna tirada dilalka maalmihii lasoo dhaafay iyo  kuwii xalay ka dhigayaan illaa afar dil oo dhamaan loo geystey dad u shaqaynayay maamulka.

Dilka koowaad waxa uu ka dhacay xaafadda 21-ka Oktoobar, waxaana loo geystey askari ka tirsan waaxda minishiibiyada ama dowladda hoose ee Afgooye, kaas oo lagu hor diley gurigiisa.

Dilka labaad waxa uu ka dhacay xaafada imbakaati waxaana halkaasi lagu diley askari ka tirsan ciidamada booliska ee degmada.

Sida uu kusoo waramayo wariyaha Goobjoog ee Afgooye Maxamed Cabdi Xassan, dilalka ayaa Afgooye ka biloowda marka ay maamulka degmada isku dayaan in ay sameeyaan hawlo canshuuro uruurin ah, dadka la beegsanadana ay yihiin kuwa ka shaqeeya hawlaha dowladda Hoose.

 

Dhageyso

Goobjoog News