U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan AMISOM Oo Qarax Miino Lagula Eegtay Degmada Mahadaay, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Askar ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax Miino waxaa lagula eegtay degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe, kaasi oo khasaare geystay.

Goob jooge ku sugan degmada Mahaday ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxan uu ahaa mid dhulka lagu aasay, islamarkaana lala eegtay ciidankaan xilli ay biyo ka dhaansanayeen ceel ku yaalla dhabarka dambe ee isbitaalka degmada Mahadaay.

Waxaa jirta khasaare soo gaaray askar ka tirsan AMISOM, balse lama oga inta uu la egtahay khasaarahaasi.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib waxay xireen dhammaan xaafadah ku dhow halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgal aaney cidna ku qaban.

Maamulka degmada Mahadaay weli wax war ah kama aanu soo saarin qaraxan, balse inta badan ciidamada AMISOM ayaa qaraxyo sidan oo kale ah waxaa lala eegtaa xilliga ay marayaan waddooyinka qaar kamid ah gobollada dalka.

Goobjoog News