U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan DFS Oo Maanta Lagu Diley Deegaanka Ceelasha Biyaha

Sheeko:Amniga

Rag hubeysan ayaa maanta waxay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ku dileen Saddex askari oo ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in askartaan la diley ay ku labisnaayeen dareeska ciidanka xoogga dalka, ayna ku sugnaayeen isgoyska Ceelsha Biyaha.

Ragga wax diley oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in dilka markii ay geysteen kadib ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo kale oo dowladda ah ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, waxaana rasaas ay ku rideen shacab badan oo goobta isugu soo xoomay.

Sidoo kale, ciidankaan ayaa howlgal ay sameeyeen waxay ku qabteen rag badan oo la sheegay in baaritaan lagu hayo.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee deegaanka Ceelasha biyaha wax war ah kama aanay soo saarin dilkaan loo geystay Saddexdan askari.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News