U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ku Dhaawacantay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Baardheer, Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in duleedka degmadaasi uu ka dhacay shil gaari, kaasi oo sababay khasaare dhaawac ah oo soo gaaray askar ka tirsan dowladda Federaalka.

Gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen askartaan ayaa la sheegay inuu ku rogmaday duleedka degmada Baardheere, gaar ahaan deegaan qiyaastii 4-km u jira degmadaasi.

9 ka mid ah askartii saarneyd gaarigaasi ayaa la sheegayaa in ay dhaawacmeen, waxaana jirta in qaar ka mid ah askarta dhaawacantay xaaladooda ay aad u daran tahay.

Dhammaan askarta dhaawaca soo gaaray ayaa la keenay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Baardheere halkaasi oo lagu daweynayo.

Sababta ka dambeysay inuu rogmado gaarigan lama soo sheegin, walow la xaqiijiyey in gaariga uu ahaa mid si xowli ah ku socday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News