U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Dowladda oo Ku Dagaalamaya Gudaha Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya askar kawada tirsan dowladda ayaa waxaa uu ka socdaa isgoyska Siinaay, waxaana la sheegay in askarta dagaalamaysa ay yihiin kuwa ka tirsan NISA iyo kuwa kale.

dhawaqa xabada ayaa laga maqliyaa qeyba kamid ah magaalada, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in  ay ciidamadaan  ay dagalamayaan, ka wada tirsan dowladda federalka Soomaaliya.

Dadka goobjoogayaasha ah ayaa soo sheegay in ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidanka oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay ee ciidanka kale duwan ah.

Magaalada caasimadda ah waxaa mararka qaar ka dhaca isku dhacyo dhex mara ciidanka dowladda, waxaana ka dhasha khasaare soo kala gaara dhexdooda iyo sidoo kale dad shacab ah.

Goobjoog News