U bood dhigaalka

Askar ka Tirsan Dowladda oo Laba Qof Ku Dishay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Askar ka tirsan ciidanka dowladda ayaa maanta laba wiil ku dishay magaalada caasimadda ah ee Mudisho, dadka la dilay ayaa la sheegay in mid kamid ah uu ahaa darawal ku xamaasha gaadiidka lagu raro guryaha ee Niicda loo yaqaano, halka wiilka kale uu ahaa mid arday ah sida ay sheegayaan dadka goobjoogayasha ah.

Dilka  Darawalka ah ayaa ka dhacay degmada Xamarweyne, halka qof  Ardayga lagu dilay degmada Howlwadaag gaar ahaan xaafadda Baar Ubax, waxaana ka dhashay kacdoon dadweyne oo ay sameeyeen dadka shacabka ah ee ku nool xaafadda, kuwaas oo ka xun dilka loo geystay wiilka dhallinyarada ahaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddoooyinkaan kusoo badanayay dilalka ay geysanayaan ciidanka ka tirsan dowladda, kuwaas oo dhowr jeer dilal kale duwan u geystay dad shacab ah, majiro wax war ah  oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan ka  dilalka ka dhacay maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukunno kale duwan ku riday askar la sheegay in ay dil u geysteen dad shacab ah, waxaana ugu dambeeyay qisaas shalay lagu fuliyay laba askari oo horay u dishay laba qof oo ah shacab aan waxba galabsan oo ku kala sugnaa degmooyinka Balcad iyo Xamarweyne.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale 48-dii saac ee lasoo dhaafay  ka dhacay dilal kale duwan, oo  mas’uuliyadooda ay sheegteen dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in ciidanka Booliiska ay maanta toogasho ku dileen  deegaanka Garasbaaley nin hubeysan oo isku dayay dilka askari ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacay dilal kale duwan oo ay geysanayeen ciidan ka tirsan dowladda, waxaana ku baxay falalkaas muwaadiniin aan wax dambiya laheyn, Al-shabaab ayaa dhinaca kale geysta dilal ay ku dilaan askar iyo sidoo kale shakhsiyaad gaar ah oo ay artilmaameedsadaan.

Goobjoog News