U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Dowladda Oo Qof Bajaajle Ah Ku Diley Muqdisho

Sheeko:Dalka

Askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qof darwal ka ahaa mootada loo yaqaan Bajaaj waxay ku dileen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Goob jooge ku sugnaa halka dilkan uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog News in askartan oo saarnaa gaari ay yimaadeen waddo aad u mashquul ah, islamarkaana rasaas ay fureen uu ku dhintay qofkaasi.

Ruuxa dhintay ayaa ahaa qof dhallinyaro ah, iyadoo ku dhowaad Saacad uu Meydkiisa yaalla wadada.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaarey ciidamada maamulka degmada Wadajir, kuwaasi oo goobta ka billaabey howlgal ay ku xog ogaanayaan askarta dilkaasi ka dambeysay.

Sidan oo kale waxaa magaalada Muqdisho marar badan loogu dilay darwallo kaxeeya Mootada Bajaajta.

Goobjoog News