U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Puntland Oo Qarax Lagula Eegtay Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in qarax miino lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay iney ka tirsanaayeen kuwa badda ee Puntland, waxaana qaraxa lagula eegtay buuraleyda Galgala.

Ku dhowaad 5 kamid ah ciidamada Puntland ayaa halkaasi ku dhaawacmay, iyadoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Saraakiisha ciidamada qaraxan lala eegtey weli wax faah faahin ah ma aaney bixin, balse waxaa burbur xooggan uu soo gaarey gaariga ay miinada ku qaraxday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News