U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Qaatumo Oo Ku Biiray Somaliland

Sheeko:Dalka

Ciidamo la sheegay  inay ka tirsan yihiin maamulka Khaatumo ayaa ku biiray maamulka Somaliland kadib munaasabad ka dhacday gobolka Togdheer.

Ciidamadan oo tiro ahaan gaarayey 260 askari ayaa lagu soo bandhigay deegaanka Caraweyn oo qiyaastii 30 Km dhanka waqooyi kaga began degmada Buuhoodle.

Sartaakiisha hoggaamineysay ciidankaan ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay wax la qeysadaan Somaliland, islamarkaana ay ka leexdaan maamulka Khaatumo waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiishan ayaa sheegay in ciidamadan qaarkood ay ka yimaadeen dhanka Puntland.

Munaasabadda ciidankaan lagu wareejinayey waxa ku sugnaa wasiir ku xigeenka wasaaradda isgaarsiinta iyo Boostada Somaliland Cismaan Garaad Soofe, taliyaha ciidanka Somaliland ee agga bari Sareeyo Guute Cali Barre, Odayaal dhaqameed iyo xubno kale.

Waxaa lagu heshiiyey in ciidankaan ay si caadi ah uga mid noqdaan maamulka Somaliland, islamarkaana ay ku xuquuq yihiin ciidnaka kale ee maamulkaasi.

Goobjoog News