Askar Kale oo Lagu Soo Oogay Dacwado La xiriira Dilkii George Floyd

Xeer ilaalinta gobolka Minnesota ayaa dacwado kusoo oogtay saddex askari oo wehliyey askariga caddaanka ah ee lagu eedeeyey inuu dilay George Floyd, oo ahaa nin kasoo jeeday bulshada madow ee Mareykanka.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sare u qaaday darajada eedda dilka loo haysto askariga la eedeeyey ee muuqaallo la baahiyey la arkay isaga oo luqunta jilibka kaga haya George Floyd oo dhulka yaalla, kaasi oo halkaas ku dhintay.

Eedda loo haysto askariga dilka ku eedeysan oo markii hore ahayd darajada saddexaad ee dilka, ayaa waxaa hadda lagu soo oogay dacwad ah darajada labaad ee dilka.

Dilka loo geystay George Floyd ayaa sababay in magaalooyin badan ee wadanka Mareykanka ah ay ka dhacaan mudaharaadyo waaweyn kuwaas oo watay rabshado galay asbuucii 2aad dibad baxayaasha ayaana dalbanayey in askartii lwehilisay askariga dilka geystay in la soo xiro.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW