U bood dhigaalka

Askar Kenya ah oo Lagu Dhaawacay Weerar ka Dhacay Xuduuda

Sheeko:Dalka

askari kenyan dhaawacanIllaa 3 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dhaawacay kadib markii lagu qaaday weerar xili ay biyo ka doonteen meel ceel ah oo ku yaala xuduuda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan aagga magaalada Raaskaanbooni.

“Askartani waxa ay biyo kasoo dhaansanayeen ceel biyo oo ku yaala tuulada Mungai, bariga degmada Lamu, kadib maleeshiyo hubeysan ayaa rasaas huwisey gaarigii waday askarta” ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska degmada Lamu Ephantus Kiura.

“Sedex askari ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo daran, waxaana loo duuliyey saldhigga ciidamadda badda ee noogu dhow halkaasi oo lagu daweynayo” ayuu intaasi ku daray taliyaha.

Mar sii horeysey dagaalyahanada Alshabaab waxa ay rasaaseeyeen baabuurta dadweynaha ee basaska ah, taasina waxa ay keentey in basaska ay dalbadaan illaalo hubeysan in lagu daro.

Dhacdooyinka amni darada ee ka dhacaya degmada Lamu ayaa waxa uu horseedey bandoow habeenkii ah, taasi oo ay ka cabanayaan ganacsatada oo sheegey in dalxiisii iyo ganacsigiiba uu hoos u dhacay.

Goobjoog News