Askar Kenyaati Ah Oo Lagu Dilay Gobalka Gedo

Wararka ka imaanaya deegaanka Injir Boodo oo duleedka ka ah deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Askar ka tirsan ciidanka Kenya.

Askartaan la dilay oo tiradoodu lagu sheegay Afar ayaa u gacan galay Xarakada Al-shabaab xilli ay lunsanaayeen, islamarkaana ay kasoo baxsadeen weerarkii Shabaabku ku qaaday Jimcihii Xerada Ceelcadde.

Dad ku dhaw halka falkaan dilka ah uu ka dhacay ayaa xaqiijiyay in Al-shabaab ay Afartaasi Askari sidoo kale la dileen ruux Soomaali ah oo la sheegay in ciidanka Kenya uu soo dhaweeyay islamarkaana cunto iyo biyo uu siiyay.

Askar badan ayaa lagu waayay weerarkii Ceelcadde kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay gacanta ugu jiraan Al-shabaab halka kuwo kalena la xaqiijiyay in ay deegaanada howtka ah ku baxsadeen.

Dowladda Kenya iyo saraakiisha AMISOM ee gobalka Gedo weli kama aanay hadlin askartaan la dilay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

39 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW