U bood dhigaalka

Askar Kenyan Ah Oo Lagu Diley Gaarisa

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee gobolka NFD ayaa waxay sheegayaan in qarax ka dhacay duleedka magaalasaasi uu sababay khasaare kala duwan oo soo gaaray ciidamo Kenya ah.

Gaari ay la socdeen ciidamadan ayaa la tilmaamay iney haleeshay Miino, waxaana halkaasi ku dhintey Shan Askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen Labo kale.

Ciidamadan qaraxa lala eegtay ayaa halkaasi ka waday howlo roondo ah oo ammaanka lagu sugayey.

Sarkaal ku sugan Gaarisa ayaa warbaahinta u sheegay in qarxan ay uga shakisan yihiin iney ka dambeeyaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa marar badan waxay weeraro ka geysteen deegaanno ka tirsan gobolka NFD.

Goobjoog News