U bood dhigaalka

Askar Ku Dhimatay Gaari Kula Qarxay Degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 3 askari oo kooxaha miinada baaro ah ayaa ku dhintay halka 2 kale ay ku dhaawacmeen qarax  gaari oo ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Askartan geeriyootay oo ahaa kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa la sheegayaa in dadka deegaanka u sheegaan in ay banneeyaan goobta gaariga ka dhawaa si loo baaro gaarigan la shakiyay, laakin inta uu baaritaanka socday askartii ayuu la qarxay.

Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay ka shakiyeen ciidamada ammaanka ee dowladda, kadibna ay isku dayeen inay qabtaan labo dhalinyaro oo saarnaa, waxaana markii dambe baxsaday labadii dhalinyarada ahaa.

Ciidamada Ammaanka ayaa ceyrsaday, iyagoo dhaawacay mid ka mid ah, halka ninka kalena uu baxsaday, waxaana ciidamada ay goobaha caafimaadka u qaadeen ninkii dhaawaca ahaa.

Goobjoog News