U bood dhigaalka

Askar Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Jubba, Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Maqaahi ku taalay Hotel Jubba ee Muqdisho.

Ilo xog-ogaal ah oo ciidanka ka tirsan ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in qaraxa uu ka dhacay maqaaxi ay ku qaxweeyaan ciidanka, tiiyo keentay dhimashada ugu yaraan 5 qof, oo ciidan ku jiraan iyo dhaawac tiro badan.

Qofka oo magaciisa qariyey sababo amni ayaa intaas ku daray in uu arkay meydka 3 askari, waxaa kale uu xaqiijyey in ay qaraxa ku dhaawacantay haweeneyda maqaaxida laheyd.

Ilaa hadda kama hadlin hey’adaha amniga, ma jirto cid sheegatay.