U bood dhigaalka

Askar Lagu Dilay Dalka Yemen

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan todobo askari ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay waddanka Yemen, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 15 kale, qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Cadan ee koofurta waddankaasi.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay taasi oo la kacday kolonyo ciidamo ah kuwaas oo u socday xerada millatariga ay ciidamada dowladda Yeman ay ku leeyihiin magaalada Cadan sida ay sheegeen mas’uuliyiin dhanka ammaanka ah.

Magaalada Cadan ayaa wddanka Yeman waxay u noqotay caasimad ku meel-gaar ah tan iyo markii ay suurto gashay ciidamada huwanta ah oo uu hogaaminayo sacuudiga inay kasaaraan magaalooyin badan oo ka tirsan Yeman kooxaha Xowthiyiinta.

Magaalada Sanca ayaa ilaa iyo hadda waxaa gacanta ku haya kooxaha Xowthiyiinta oo qabsaday bishii September ee sanadkii 2014 kii, magaalada Sanca ayaa ahayd caasimadda Yeman.

Dhanka kale qalalaasaha ka jira waddanka Yeman waxaa ka faa’ideystay kooxo raacsan Al-qaacida iyagoo ka faa’ideestay maamul la’aanta ka jirta waddanka.

Goobjoog News