U bood dhigaalka

Askareynta Kooxda Fethullah Gülen: Sarkaal Ka Sheekeynaya Min Dugsi Sare Ilaa Xeryaha Ciidanka

Sheeko:Dalka

Sarkaal xigeen ka tirsan ciidamada Turkiga oo lagu magacaabo“S.I”  ayaa qirasho ka hor sameeyay xeer ilaalinta guud ee gobolka Hakkari ee koofur bari dalkaasi Turkiga.

Ninkan oo ka xun natiijada iskudeygii afgambigii dhicisoobey ee dalka Turkiga ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen bartamihii bishii tagtay ee July, sarkaal xigeenkan waxaa uu ka sheekeeyay ururkan Fatxulahi Gülen oo ah urur uu yaqaaney ilaa yaraanstiisa.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadol sarkaal xigeenkan ay magaciisa ku soo gaabisay “S.I”, waxaa uu warbixinta ururka la wadaagay taliyihiisa kadibna amarka taliyaha ayuu ku aadan xeer ilaalinta guud ee Turkiga isagoo u sheegay sida ay wax u jiraan.

Ardeyda Iskuullada:

“S.I”  waxaa uu sheegayaa in unuggan uu ku bartay xilli dusgi sare uu ka dhigan jiray gobolka Erzurum ee ku yaallo bariga dalka Turkiga.

“Waxaan ka tirsanaa ardeyda ugu fiican dugsiga, ardey ka tirsan dugsiga ayaa iigu yeeray in aan ku soo casheyno guri ay deganaayeen ardey Jaamacadeed oo saxiibo ahaayeen, ardeyda waxaa ay ii sheegeen in waxbarashada ku fiican yihiin, isla markaana ay doonayaan in ay i saacidaan, weliba si bilaash ah”

“15 ardey ayaan ku tagnay cashada, dhammaantoodna isla hadalkaas ayey igu dhaheen, maalintaas wixii ka dambeeyay 6 bil oo joogta ah ayaa axad walbo aadi jiray gurigaas, ururka waxaa ay 6 bil kadib bilaabeen in ay na dushiyaan, Imaamkana guriga ayuu wax ka deganaa, Salaadda kadib waxaa ay noo akhrin jireen Buugga uu leeyahay Fatxulahi Gülen oo lagu magacaabo Sonsuz Nur, kullamo joogta ah ayey qaban jireen, waxaa ay sidoo kale igu dhiirgeliyeen in aan Buugaas akhristo.

Waa sii hadlay“ Waxaan sidaa ku jirnay ilaa aan dugsi sare ka dhammeeyo, kadib waxaa deeq waxbarasho ka helay dugsi gaar ah, laakin walaalihii (waa sida uu hadalka ugu dhigaye) ayaa igu qanciyay in aanan aadin dugsigaas oo ay waxbarasho ii raadinayaan Iskuulka(FEM) oo ururka raacsan, ma oofin balantii, waxaa kaloo ay igu dhaheen haddii aad dusigaas kale aado waxaa ay fasahaadinayaan akhlaaqdaada, ee iska diid”.

“Xilligii aan dhiganayey dugsiga sare, waxaa ay Saxiibada guriga I dhageysiin jireen khudbadaha Gülen, Kutubtiisana waa na bari jireen, Termka labaad ee fasalka 3aad waxaa baxay walaalkii mas’uulka ka ahaa guriga waxaana badalkiisa noo yimid qof kale oo aan aqoon sidaa ah aan laheyn, Imaanka masjidka waxaa la dhihi jiray Maxamed Amin, Ma noo sheegi jirin Naaneysta oo magaca ayey ku gaabsan jireen, waxaana laga yaabaa in xitaa magacyadooda aaney run aheyn: 

Is Qaris:

“4 sano ayaan ku noolaa guryo ay kooxdan(Gulen) leeyihin, waxaa Imaam u ahaa 4 qof oo guriga ila deganaa markii aan ahaa sanadka 2aad ee Jaamacadda, guryaha  waxaa ka guuri jireen 2-3 bil kasta mar, oo waa aag baladan jireen,  sidaa darted ma xasuusto magacyada intooda badan”

“Ururka waa mid weyn, waxaa ay isku maamulaan qaab kala hooseeya, sida Imaamka guriga, gobolka qofka mas’uulka uga ah, Imaamka Gobolka, Dalka, Qaaradda, Dunida”.

“Qofka Imaamka ah iyo dadka gobollada mas’uulka uga ah waxaa ay Mobillada iyo SIMCARD-ka badalaan 2jeer sanadkii, Magacyo been ayey adeegsadaan, Mid ka mid ah oo Maxamed la dhaho aniga horteyda ayuu qof kale isku baray in la dhaho Cali”.

Iskuulka kadib:

Waxaa uu sarkaal xigeenka sii waday in uu ka sheekeeyo jaamacadda kadib iyo xitaa xiligii ay ku jireen shaqada qaran

“ Markii aan sanadka 4aad gaarnay waxaa la iigu amray in aan ka guuro guriga ururka Gülen oo aan dego guri kale oo asxaabteyda ay degenaayeen”

Guriga cusub waxaa uu sheegaysarkal xigeenka  in ay joogeen dhalinyaro Doobab ah kuwaas oo aan xiriir la laheyn Gülen iyo ururkiisa, kooxdan waxaa ay cabi jireen qamriga, gabdhana guriga waa keensan jireen, waxaa uu intaa raaciyay in ururkii Gulen aanu ka jaran deeqda lacagta ah la siin jiray, 3 sano ayuu lacagtaas sii cunaayey markii uu guriga ka baxay kadib.

“Ma jirin xiriir toos ah oo kooxda igala dhaxeeyay marka laga reebo kulan todobaadle ah oo aan ka qeybgeli jiray, xitaa ururkan waxaa ay ku fakireen in aan ka baxay kooxda waayo Mobilka ayaan iska badaly, lamina kulmi jirin marka laga reebo “B.W” oo ahaa qofka mas’uulka ka ah guriga uu ka dhici jiray kulanka todobaadlaha ah”.

Been Dhalinyarada Lagu sooo Xero Geliyo:

Sarkaal xigeenka waxaa uu sheegayaa in kulan uu ka dhacay Kuliyad ku taalo gobolka Adruum, 60 ardey ayaa bariga dalkaas ka timid, waxaa kulankaas horkacayey sarkaal “Walaalkeen Polet” kaas oo la sheegay in uu la kulmay Fatxulahi Gulen.

“A.S” waxaa uu sheegay “ Polet waxaa kulanka ka sheegay in geerida Rasuulka kadib, Boqolkii sanaba uu Caalim weyn dunida soo maro, Culimadana ay noqonayaan 14, Saciid Al-Nuurasi waxaa uu sheegay in uu 13 yahay halka Fatxulahi Gulenna uu yahay 14-aand”

“Plet waxaa uu sheegay in Gulen oo habeen walbo arko nabiga, isagoo kala hadlo arrimo ku saabsan muslimiinta iyo dhibka heysta, Ammarada uu Gulen taageerayaashiisa siiyana ay yihiin kuwoo toos uga yimid Nabiga Muxammed SCW,  isagoo sheegay in kooxdan ujeedkeeda yahay in Islaamka ku faafiso dunida oo dhan, Iskuullo dhisto iyo in ay soo saarto dadka caqli badan oo kaalinwey iyo heer sare gaara”

Ku Faafidda Dunida:

“S.A” waxaa uu sheegay“ kulankaas waxaa laga sheegay in ururkan Iskuuladiisa ay ku faafsan yihiin dhammaan caalamka, isla markaana ay dhigtaan madaxda dalalkaasi, 40 sano kadib waxaad arki doontaa madaxweyneyaal iyo ra’isul wasaareyaal ku hadlaya luqadda Turkiga, hadda waxaa laga yabaa in aad ku qososhaan, laakin markii uu Gulen noo sheegi jiray Iskuullo iyo Jaamacado caalami ah ayaa na hoos iman doona, Olympics  oo luqadda Turkiga ah ayaan qaban doonaa, garoomada kubadda cagta ayey buux dhaafin doonaan, waan ku qosli jirney, Laakin hadda xaqiiq ayey noqdeen, kulanka oo socday 2 saac iyo bar waxaa uu Polet ku dheeraaday sida ay waajib u tahay in Gulen la adheeco”.

Askareynta:

Sarkaalka waxaa uu leeyahay“ kulanka kadib waxaa la kulmay (B.W) oo aan arko markii iigu horeysay nolosheyda, waxaa uu ii sheegay in lagu magacaabo Ixsaan, 35 jir ah, waxaa uu i weydiiyay shaqada aan rabo mustaqbalka, waxaan u sheegay in aan rabo Macalin, waxaan u sheegay in aan isku diyaarinayo imtixaan shaqaalaha dowladda ah, arrintaas oo aanu kala tashan walaaliha”.

“B.W” waxaa uu ii sheegay in uu kala tashtay shaqadeyda walaalaha, dhammantood waxaa ay ila rabaan in aan sarkaal noqdo, waxaan  ku iri, ma jecli shaqadaas, laakin waxaa ay igu adkeeyeen in aan warkooda yeello hadii kale uu ilahay i ciqaabi doono oo nolol xun aan ku noolaan doono”

“Waxaa saameyn igu yeeshay hadalkii maalintaas, waxaan aqbalay in aan galo Imtixaanka loo aqbalo saraakiisha”

“S.A” waxaa uu sheegay in uu galay labo imitixaan qoraal ah uu ku galay gobolka Adruum oo bariga Turkiga ah taas oo uu ku guuleystay, bil kadibna waxaa uu imtixaan kale oo afka ah ayuu galay”

B.W waxaa uu I siiyay buugaag yar oo aan raacayo, waxaa ku qornaa arrimo ku saabsan goobta uu wareysiga ka dhacaayo, la kulanka Dhakhtaradda nafiga qaabilsan, gabadhaas oo ku taqasustay in ay ogaato kooxahan oo kale, waxaa uu igu waaniyay sida loola hadlo, sida loo salaamayo, in aan indhaheeda si toos ah u fiiriyo, in aan iska dhigo qof rayid ah iyo in aan markasta aan dhoolacadeeyo”.

Waxaa uu ii sheegay haddii su’aal Fatxulahi Gulen la iiga weydiiyo in aan dhaho, waxaa ka daawadaa Telefishinnada, haddii sarkaalka uu wejiga kaduudo, waxaa uu igula dardaarmay in aan isku dajiyo waayo imtixaanka waa mid nafsi ah, waxaa kaloo oo igu taliyay in aan kula kaftamo, Mudane xanaaqa aad xaaskaada u qabto miyaa igula dul dhacee? Sidaas ayaan uga gudbey imtixaanka.

Qishka iyo Imtixaannada la sii ogaado:

S.A waxaa uu sheegay in B.W uu baray nin la dhaho Salaami, waxaan ku heshiinay in aan 15:00 ku kulano beerta Aluus oo ku taalo caasimadda Ankara, kulankaas waxaan aniga iyo Salaami aadney Hotel, waxaa uu boorsadiisa ka soo saaray Laptop waxaa uu saaray miiska, waxaa uu sheegay in uu i tusinayo wax muhiim ah, laakin shardi in aan qofka u sheegin, waxaa uuna iga dalbaday in aan dhaarto”

Waxaa uu sheegay in uu i tusinayo jawaabaha imtixaanka aan ku geli lahaa waaxda hogaanka ciidamada dhulka ee Ankara, waxaan u sheegay in aanan u baahneen oo aan ahay ardey aqoon leh, isla markaana aan aqaano waxyaabaha ku saabsan ku xadgudubka ban’aadamka”

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad khaa’niin ah oo Kirishtaan, Yuhuud iyo Maasuuniyad leh, kuwaas oo doonaya in ay ku soo dhexdhuuntaan, waxaa uu iga digay in kuwaas fursad siiyo oo iyaga ay guuleystaan, haddii sidaa ay dhacdana aaney aan mas’uuliyadeeda qaado doono ilaahay hortiisa”

“Hadal ayuu igu qanciyay, Imtixaankii aan galay, su’aalihii la ii weydiiyay waxaa ay ahaayeen kuwii uu ninka ii sheegay, iyadoo sidaas ay tahay hadana 45 su’aal ayaan saxay halka 5 kale aan u qalday si kas ah, si aan la iiga shakin:

“Waxaa la ii qoray 20110kii, ururkaas cidna kala kulmin oo aan ka aheyn salaami oo aan kulmi jirnay Axaddaha, jiiro ku taallo Taaladda Mustafa Kalaam Ataturk, 15:00, isgoyska Aluus.

“Waxaa socon jirnay cabaar, kadib waxaan fariisan jirnay Maqaahi, waan is ilaali jirnay in aan Dukashada dibadda soo dhigno, Weesada badalkeeda tayamum ayuu igula taliyay, in aan sariirka ku tikado, sidaa waxaa laga helayaa ajir weyn, sida uu sheegay Fatxulahu Gulen.

“Waxaa uu salaami iiga digay in aan Waxyaabo Islaami ah iigu jiraan Mobilka iyo in aan dodo arrintaas ku saabsan aan la gelin asxaabyeyda kale, waana fuliyay sida uu iga daldabay, marka laga reebo arrinta Salaadda oo hoyga waxaa ku yaallay masjid halkaas ayaan ku dukan jirnay”

“ 2 bil kadib, salaami waxaa uu iiga digay arrinta Salaadda ku saabsan, waxaan ogaaday in qof kale uu I daba dhigay oo tababarka igula jira, 4 bil iyo bar ayaa saldhigaas joogay.

Xigasho: The Huffington Post

Goobjoog News