U bood dhigaalka

Askari Bajaajle Dilay Oo La Xukumay

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta Talaada ah xukun dil ah ku ridday eedeysane Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo loo heystay dilka wiil dhalinyaro bajaajle ah.

Dilka ayaa dhacay 17 August sanadkii 2019 waxaana uu xilligaasi eedeysanaha isaga baxsaday goobtii uu dilka ka geeystay, waalidiinta marxuumka la dilay ayaa garsoorka ka dalbaday in cadaalad ay u helaan wiilkooda Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa wade moota bajaaj.

September isla sanadkii 2019 ayeey maxkamadda ciidamada qalabka sida ay jartay waaran lagu soo qabanayo eedeysane  Xasan Maxamuud Dhiblaawe.

December sanadkii ina dhaafay 2021 ayeey ciidamadu u suura gashay in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysane dable Xasan Maxamuud Dhiblaawe.

Muddo ay socotay dacwadiisa, maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday eedeysanaha maanta kadib markii lagu helay eeddi loo heystay.

Goobjoog News