U bood dhigaalka

Askari Ciidamada Dowladda Ka Tirsan oo Lagu Dilay Baladweyne

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsan ciidamada dowladda subaxnimadii hore ee saaka loogu gaystay magaalada Baladweyne.

Dilka ayaa dhacay xilli askariga uu ku sii jeeday hoygiisa, waxaana dilka gaystay koox ku hubaysan biskoolado oo aan haybtooda la aqoon.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Indha-xaraar, waxaana uu kamid ahaa ciidamada xoogga dalka, illa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysay dilka askariga.

Dad goobjoogayaal ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dilka kadib askariga laga qaatay qori nooca AK47 ah oo uu watay, askariga la dilay.

Maamulka degmada iyo kan gobalka illa iyo hadda wax war ah kama aysan soo saarin dilka loo gaystay allaah u naxariiste askariga ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Goobjoog News