U bood dhigaalka

Askari Dil U Geystay Qof Shacab iyo Banaanbax Ka Dhashay Oo Ka Socda Jowhar

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in goordhaw askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dil halkaas ugu geystay qof shacab ah .

Askariga ayaa dilka geystay kadib markii uu muran xoogan dhex maray marxuumka la dilay iyo Askariga, wararka ayaa sheegaya in qofka la dilay uu ahaa qof dhimirka looga jiro .

Warar ay Goobjoog News  heshay ayaa sidoo kale sheegaya in dilka uu dhacay xilli ay ciidamada ay ku jireen howl gal amni xaqiijin ah .

Dhanka kale banaanbaxyo looga soo hor jeedo dilka askariga uu u geystay qofka shacabka ah ayaa ka dhacay magaalada , iyadoo hadda ay maamulka magaalada ay ku baxeen shacabki dhigayay banaanbaxa.

Inta badan waaberiga subaxa hore ayeey ciidamada ku dhaqan maagalada caasimadda ah ee Jowhar ay sameeyaan howl gallo amniga lagu xaqiijinayo .

Goobjoog News