U bood dhigaalka

Askari Dil u Geystay Wadaha Mooto-Bajaaj

Sheeko:Amniga

Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta qof shacab ah ku dilay mid kalana ku dhaawacay gudaha magaalada Muqdisho.

Ruux dhintay ayaa lagu sheegay inuu ahaa wiil Mooto Bajaajle ah,  kaas oo askari xabadda ku dhuftay, waxaana  soo gaaraay dhaac culus, maadaama xabaddu uga dhacday qeybta sare ee jirka,   isbitaalka oo dhaawac ahaan loo gaarsiiyay ayuu ku geeriyoodey.

Sidoo kale ruuxa dhaawmay ayaa ahaa nin ka watay gaari –dameer,  waxaana dhaawacay xabaddii ka soo gudubtay marxuumka dhintay, dhacdadaan ayaa ka dhacday meel u dhow Iskuulka Dhagaxtuur ee dagmada Hodan ee gobalka Banaadir. Lama oga sababta, laakin dad ayaa Goobjoog News u sheegay in arrinta ka dhalatay kadib markii biyo wasaq ah lagu farjiyey askariga.

Dhanka kale,  ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa ka qaaday dhaawaca labada ruux , ayadoo uu dhaawac culus ahaa wiilkii darawalka Mooto Bajaajka waday , markii dambana geeriyoodey.

Askarigii dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday, mana jiraan warar ka soo baxay laamaha ammaanka ee ku aadan dhacdaan lagu dilay qofka shacabka ah mid kalena lagu dhaawacay.

Ciimada dowladda ayaa dilal badan u geystay wadayaasha Mootada,  waana yar tahay kuwa la qabto ama la ciqaabo.

Goobjoog News