U bood dhigaalka

Askari Dilay Dhalinyaro Walaalo Ah Oo La Xukumay

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqday xukunka laba eedeysane oo ka tirsana ciidamada Xoogga, kuwaas oo lagu eedeyay in ay dil ka geysteen Isgoyska dabke ee gobalka banaadir.

Labada eedeysane oo loo heysto dilka allaha u naxariiste Zakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge oo xilli ay ku socdaalayeen wadada isgoyska dabka askari ka tirsan ciidamada uu ku dilay 2 bishii hore ee December.

Eedeysanayaasha ayaa kala ah Dable Cabdiwaayeel Macalin Aadan Cilmi iyo Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan oo kawada tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fadhisatay dhageysiga garmaqalka dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha 30 december ayaa maanta oo talaada ah go’aan ka soo saaratay.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Gaashanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Dable Cabdiwaayeel Macalin Aadan Cilmi iyo Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan oo kawada tirsan Ciidanka Xoogga.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay Dable Cabdiwaayeel Macalin Aadan Cilmi dil toogasho ah oo dhiganta dilka Sowdo & Sakariye halka Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan isna maxkamadda ay ku xukuntay hal sano oo xabsi ciidan ah taas oo la sheegay in ay tahay ciqaabta argagax gelin bulsho.

Goobjoog News