U bood dhigaalka

Askari Haweeney Ku Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka  gaar ahaan Booliska ayaa goordhow qof shacaba ku  dilay mid kalana ku dhaawacay gudaha magaalada Muqdisho.

Sida qof Goobjoog ahaa uu u sheegay  Goobjoog News dilka ayaa ka dhacay meel u dhow koontarool ciidamada Booliska ay ku leeyihiin isbilaatalka Masaardida ee degmada Hodan.

Goobjoogaha ayaa sheegay  inuu dilk dhacay ka dib markii wadada  ay jaam  noqtay kadibna uu askariga xabado furay kuwaas oo sababtay geerida qofka dhintay oo lagu sheegay inuu dumar ahaa, halka qof kalana uu soo gaaray dhaawac, oo la socday mooto Bajaaj ku socdaaleysay wadada .

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu askarigii dilka iyo dhaawaca  geystay uu goobta ka cararay, ciidamadii goobta ku sugnaa ayaana ku guul dareystay in ay gacanta ku dhigaan askarigii falka geystay.

Dhanka kale waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ku aadan dilka iyo dhaawaca ka dhacay dagmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Dilalka iyo dhaawacyada ciidama ammaanka ay u geystaan dadka  shacaka gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa soo lab laabtay mana jiraan ilaa iyo hadda xal laga gaaray oo lagu baajinayo dhiiga shacabka ee maalin waliba daadinayaan ciidama dowladda.

Goob joog News