U bood dhigaalka

Askari iyo Xaaskiisa oo Lagu Dilay Laascaanood!

Sheeko:Amniga

Kooxo hubaysan ayaa habeenimadii xalay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dishay laba ruux,kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen lamaane sida ay sheegayaan wararka naga soo gaara halkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ka tirsanaa ciidamada Somaliland waxaan lagu dilay xaafad lagu magacaabo Farxas-kulle, waxaana la sheegay in ay dileen laba ruux oo bastoolado ku hubaysan.

Gabadha la dilay ayaa la sheegay in ay aheyd haweeney uur leh , kooxihii dilka geystay ayaana gobta isaga baxsaday kadib markii ay dileen labada ruux.

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa soo gaaray goobta iyaga oo sameeyey baaritaanno, wallow aan la sheegin cid loo qabtay dilka xalay dhacay, waxaana uu noqonayaa dilkii labaad oo todobaad gudihiisa ka dhacay Laascaanood.

Somaliland ayaa sanadkii tagay waxaa ay halkaas ka soo raaftay dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomalaiya, waxaana ay sheegtay in ay ka dambeeyaan dilalka ka dhacayey magaalada, wallow wali taagan yahay dilalka.

Goobjoog News