U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Booliska Galmudug Oo Dhuusamareeb Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowald gobaleedka Galmudug ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada Booliiska lagu dilay gudaha Magaalada.

Dilka Askariga ayaa la sheegay in uu ka dambeyay Askari ay shaqo iskula jireen, kaasi oo la sheegay in muran soo kala dhex galay labada Askari uu mid ka mid ah kan kale dil u geysto.

Xilliga dilka uu dhacayey ayaa Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cumar Ballicad, waxa uu ku jiray shaqadiisa maalinlaha ah.

Dhanka kale Askariga dilka geystay ayaa la sheegay in uu isaga baxsaday goobta uu falka ka dhacay, ciidamada Booliiska dowlad gobaleedka Galmudug ayaa illa iyo hadda dhankooda ku guda jira baadi goobka Askariga.

Goobjoog News