U bood dhigaalka

Askari ka tirsan Ciidamada DF oo Magaalada Garbahaarey ku Diley Haweeneey Uur Laheyd

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo magaalada Garbahaarey ayaa waxay sheegayaan in shaley galab uu Askari ku hubaysan Qoriga AK47 uu goob ganacsi oo ku taala gudaha magaalada Garbahaarey uu ku toogtey Haweeney Ganacsato ah oo degmada aad looga yaqaano laguna magacaabo Khadro Geedo qorow,isagoona si xun u dhaawacay nin kale oo ka mid ah shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Dilkan loo geystey Haweeneydan oo lahayd Uur Siddeed bilood ah ayaa wararka qaar waxay sheegayaan dilka inuu ka dhacay Goobteeda  ganacsiga lamana oga sababta ka dambeysa dilkan,hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu ula dan lahaa inuu dilo ninka shacabka ah ee soo galey Goobta Ganacsiga gabadhan,isagoo rasaas ooda uga qaaday dhamaan dadkii ku jirey Dukaan.

Markii uu dilka dhacay waxaa goobta soo gaarey Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo islamarkiiba gacanta ku dhigey askarigan oo lagu magacaabo Axmed Baxare Cali Shire oo labadii sanno ee ugu dambeysay isla magaalada Garbahaarey ku diley Labo kale oo ka tirsanaa ciidamada DF ee ku sugan Garbahaarey,halka ilaa 3 kalena uu ku dhaawacay sida warbaahinta uu u xaqiijiyey Cismaan Nuur Xaaji oo ah Madaxa Amaanka degmada Garbahaarey.

Dadweynaha reer Garbahaarey ayaa aad uga xumaadey falka dilka ah ee lagu Diley Haweeneydan Ganacsatada ah iyo dhaawaca ninkan shacabka ah oo xaaladiisa laga deyrinayo,waxayna ku baaqeen in Cadaalada la horkeeno Gacan ku dhiiglahan oo caadeystey Dilalka askarta iyo dadka shacabka ah.

 Goobjoog News