Askari Ka Tirsan Ciidanka Asluubta Oo Lagu Dilay Muqdisho

Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhow rag ku hubeysan Bistoolado ay xaafadda Xaawo Taako ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Askariga la dilay oo ku sugnaa meel laami ah ayaa la sheegay in dhor xabad ay ku dhufteen raggii hubeysnaa, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Goobta waxaa gaaray ciidamada ammaanka oo wada howlgallo lagu baacsanayo raggii falkaasi ka dambeeyay.

Dilalka sidan oo  kale ah ayaa maalmahan dambe kusoo noqnoqday magaalada Muqdisho, xilli dowladda ay sheegtay in amniga Muqdisho ay gacan adag ku qaban doonto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW