U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Ku Geeriyoodey Dagaal Ka Dhacay Baardheere

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi saakay dagaal uu ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda Federaalka ku lahaayeen duleeka degmada Baardheere.

Inta la xaqiijiyey askari ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa halkaasi ku geeriyoodey, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaarey dhanka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo si kooban ula hadlay Goobjoog News ayaa sheegay iney iska caabiyeen ciidamada Al-shabaab ee weerarka kusoo qaadey.

Xaaladda guud ee degmada Baardheere waa ay deggan tahay, mana jirto wax dagaal ah oo hadda halkaasi ka socda.a

Goobjoog News