U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan DFS Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu dilay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen goob joogayaal rag hubeysan ayaa askarigan toogtay, iyaga oo intaasi kadibna goobta isaga baxsaday, waxayna horay usii qaateen qorigii uu askkarigaasi watey.

Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa sameeyey howlgal ay ku qabteen dhallinyaro goobta ku dhoweyd, mana jirto faah faahin intaan ka dheer oo laga bixiyey dilka askarigan.

Dilalka qorsheysan ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho, iyadoo xalay nin oday ahaa lagu dilay degmada Xjajab ee gobolka Banaadir.

Goobjoog News