U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Dowladda Oo Ganacsade Ku Dilay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Askari ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in dil uu u geystay ganacsade ka mid ah kuwa degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada degmada Afgooye Cabdullaahi Cabdi oo lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa sheegay in askarigaasi oo ku sugnaa deegaanka Lafoole uu si bareer ah u dilay ganacsadahaasi.

Waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka in maamulkooda ay ku raadjoogaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa askariga dilkaasi geystay.

“Sida la cadeeyay askariga baabuur ayuu lacag weydiiyay, waxaana ganacsadaha uu lasoo baxay warqadii canshuurta ee dowladda hoose, waxaana uu u sheegay askariga in gaariga uu sharciyeesan yahay, sideed u hadli kartaa ayaana loo dilay ganacsadaha, saraakiisha amniga ayaan arintaan kala xiriirnay, waxaana ku ballannay in lasoo qabto askariga dilkaasi geystay, askarigaan waxa uu ka tirsanaa ciidamada Lafoole jooga ee dowladda meesha ay dhigtay” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka ayaa rajo ka muujiyay in lasoo qabto askarigaasi, si cadaallada loo horgeeyo, waxaana dhanka kale uu hoosta ka xariiqay in aysan u dul qaadan doonin dhibaatooyin loo geysto dadka shacabka ah.

Goobjoog News